Statement from the Humanitarian Coordinator for Somalia, Philippe Lazzarini: "Race against time to help drought and conflict stricken communities in Somalia" [EN/SO]

Attachments

(New York/Mogadishu, 10 October 2014) The humanitarian operation in Somalia requires urgent scale-up. We are in a race against time to save lives in areas stricken by drought and conflict.

I am extremely concerned about the humanitarian crisis unfolding in southern, central and north-eastern Somalia. Bakool, Bay, Gedo, Hiraan and Galgaduud have been the most affected. Families in these communities desperately need water, food and healthcare.

Humanitarian organizations have scaled up activities in response to early warnings. However we need to do much more. Road access is particularly critical to reach communities.

Despite competing crises in the world today, not responding to the humanitarian situation in Somalia is not an option. Critical funding is needed today to expand operations. Funding pipelines for food security, nutrition, health, water, sanitation and hygiene services must be increased without delay.

Aid workers have shown that despite challenges and persisting insecurity they can reach many more people in need through different modalities, if provided with adequate and timely resources. We are enhancing risk management systems across the humanitarian community in order to respond in a more effective manner.

For further information please contact:
Michelle Delaney, OCHA Somalia, +254 731 043 156 or delaneym@un.org

“Tartanka lagula jiro waqtiga si loo caawiyo bulshooyinka abaarta iyo colaaddu ku dhibaateeyeen Soomaaliya”

(New York/Muqdisho, 10 Oktoobar 2014) Waxaa loo baahan yahay in degdeg kor loogu qaado hawlgalka bani’aadamnimada ee Soomaaliya. Waxaan tartan kula jirnaa waqtiga si aan nafo ugu badbaadinno degaannada ay abaarta iyo colaaddu dhibaateeyeen.

Aad ayaan ugu welwelsanahay dhibaatada bani’aadamnimo ee ka soo fool leh koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga-bari ee Soomaaliya. Gobollada Bakool, Baay, Gedo, Hiiraan iyo Galgaduud ayaa ah kuwa ay dhibaatada ugu weyn soo gaartey. Qoysaska bulshooyinkan ayaa si weyn ugu baahan biyo, cunto iyo daryeel caafimaad.

Hay’adaha bani’aadamnimada ayaa kor u qaadey waxqabadyadooda si ay uga jawaabaan digniinaha hore ee soo baxaya. Haseyeeshee waa in aan qabanaa wax intaa aad uga badan. In la helo waddooyin la mariyo gaargaarka ayaa muhiim u ah si dadka tabaaleeysan loola gaadho gargaar ku filan.

In kasta oo ay dunida maanta ka jiraan dhibaatooyin badan, haddana ma aha mid la qaadan karo in aan wax laga qaban xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya. Waxaa maanta aad loogu baahan yahay maaliyad lagu ballaariyo hawlgallada. Maaliyadda la siinayo adeegyada haqab-beelka cuntada, nafaqada, caafimaadka, biyaha, fayadhowrka iyo nadaafadda ayaa loo baahan yahay in degdeg loo kordhiyo.

Shaqaalaha gargaarka ayaa horey u muujiyey in in kasta oo ay jiraan culeysyo iyo nabadgelyo-xumo joogto ah haddana in ay awoodaan in ay gaaraan dad kale oo badan oo gargaar u baahan iyaga oo adeegsanaya habab kala duwan, haddii ay helaan dhaqaale ku filan waqtigii loo baahnyay. Waxaan sii wanaajineynaa nidaamyada lagu hubinayo in aan la lunsan gargaarka si hawsha loogu qabto si ka waxtar badan sida hadda.